gaadiid dhul
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaadiid dhul
Trasporto via terra
Surface transport
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabuur
m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaari
gaari¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. (gawaari, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulka lagu qaado. 2. Gaarigacan.
gaari²: m.dh Haweeney maamulka aqalkeeda iyo nadaafadda jirka aad u ilaalisa oo uga adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarigacan
m.l (-nno, m.dh) Gaadiid dhuleed yar, matoor lahayn, gacanta lagu wado oo hal shaag leh. la-mid: gaarigacmeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabuur
m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada; gaari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaari
gaari¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. (gawaari, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulka lagu qaado. 2. Gaarigacan. m.dhw, gawaari.
gaari²: m.dh Haweeney maamulka aqalkeeda iyo nadaafadda jirka aad u ilaalisa oo uga adag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaarigacan
m.l (-nno, m.dh) Gaadiid dhuleed yar, matoor lahayn, gacanta lagu wado oo hal shaag leh. la-mid: gaarigacmeed.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaadiid cir
Trasporto aereo
Air transport
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaadiid badeed
Trasporto marittimo
Sea transport
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadiidsi
(Gaadiidsi-ga)
1. Gaadiid ka yeelasho; hawl ku qabasho.
2. Sida gaadiidka ugu adeegasho; midiidin ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiidsi
m.l la-mid: gaadiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadiidsi
vl. n. act of transporting, carrying burdens
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidsi
-ga: (magac, lab, keli) muur ka dhigasho. Dh: gaadiidsasho, rarasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadiidsi
de: act of transporting, carrying burdens
lx: gaadiidsi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: gaadiidsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiidso
f.g3 (-saday, -satay) Wax gaadiid ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidso
(fal) muur lagu siiyey raro oo gaadiid ka dhigo. Dh: raro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawdiidid
m.f.dh eeg gawdiid². la-mid: gawriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawdiidid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan dhaqdhaqaaq lahayn u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiidsad
m.l la-mid: gaadiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidsad
-ka: (magac, lab, keli) muur ka dhigasho; gaadiid ka yeelasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Madax dhul
Headland
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidqaad
-ka: (magac, lab, keli) muur ammaano ah soo baryid; gaadiid ergise ah doonasho. Dh: gaadiidcelis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jidhif dhul
Earth crust
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Winiin dhul
Earth spin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidcelis
-ka: (magac, lab, keli) gaadiid siin cid kale oo aan haysan gaadiid ku filan oo ay wax ku soo rartaan. Gaadiidcelis buu reerku ku soo guuray. Dh: muurcelis, gaadiidqaad, awrcelis, awrqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiidsasho
m.f.dh eeg gaadiidso. la-mid: gaadiidsad, gaadiidsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) muur ka dhigasho. Dh: rarasho; muursasho. Li: dhaqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidqaadid
-ka: (magac, lab, keli) muur aanad lahayn ku guurid.